Akhriso:-Muqtaar Roobow oo Ka Hadlay Mowqifkiisa Xarakada Al-shabaab+Sawirro

0

Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)-ku-xigeenkii Hogaamiyihii  Xarakada Al-shabaab oo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaliya isku soo dhiibay ayaa maanta kula hadlay suxufiyiinta magaaladda muqdisho.

Roobow oo suxufiyiinta kula hadlay Royal Place oo u dhow xarunta Habar Khadiijo ayaa sheegay in uu ka baxay Al-shabaab islamarkaana uu codsanayo in ay shacabka Soomaliyeed cafiyaan.

“Waxaana codsanayaa cafis, ka bixisteyda Khilaafka Al-Shabaab ayaa sabab u ah, taasoo ay sababteedu tahay inaysan Al-Shabaab dadka u adeegin, Shan sano ka hor ayaan ka baxay Al-Shabaab, dowladda wada hadal ayaa inoo socdo, waana ka mahad celinayaa shacabka iyo dowladda isoo dhaweeyey”, ayuu yiri Muqtaar Roobow.

Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.

Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.

Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here