Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre oo goordhaweyd shir jaaraaid ku qabtay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulkaas ayaa ayiday xil ka qaadistii Xildhibaanada Hirshabeelle shalay ku sameeyeen Madaxweynihii hore ee Maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble.
Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in go’aankii ay gaareen Xildhibaanada ay tahay mid sharci ah oo dastuuri ah,islamarkaana uu xilka si KMG ah uu u heyn doono Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen, waxaa uu tilmaamay in dhowaan la soo magacaabi doono Guddi doorasho.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in si sharci ah uu xilkiisa ku waayay madaxweyne cali C/laahi Osoble islamarkaana muddo 30-bari kadib lasoo dooran doono madaxweynaha cusub ee Maamulkaas.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Sidoo kale ugu baaqay beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble inay isku soo sharaxdo xilka laga qaaday isaga, islamarkaana ana laga hortaagi doonin.
Dhanka kale Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqbalay xilka lagu wareejiyay ee KMG, isagoo soo dhoweeyay in beesha uu ka dhashay Madaxweynihii hore ay soo sharaxato qofkii bedeli lahaa.

