Kulan Loogu Hadlaayo Xil ka qaadista Madaxweyne Cosoble oo Jowhar ka Socda.

0

Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle  ayaa Magaalada Jowhar wax ay ku leeyihiin kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo Xilka Qaadista Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo Mooshinka ka dhan ah ay ka gudbiyeen Xildhibaanada  Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulamadaan ayaa ah kuwa la Xiriira Meel marinta Mooshinka laga Gudbiyey Madaxweyne Cosoble ayadoo Mas’uulyiinka Kulanka Maanta ku yeeshay Magaalada Jowhar ay isku raaceen in sida ugu Dhaqsiyaha badan Kalsoonida loo-gala laabto Madaxweynaha.

Warar ayaa Sheega in sidoo kale uu Socdo Qorshe ay Xilalka iskaga Casilayaan Wasiiro Dhowra ah oo ka mid ah Xukumada Madaxdweyne Cali C/laahi Cosoble ,oo xiligaan wajahaya Xiisad Siyaasadeed oo kala Dhexaysa Baarlamaanka iyo inta badan Golaha Wasiirada oo 13-ka mid ah ay Shalay Iscasileen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here