Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa ku geeriyooday ruux kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii maanta barqadii uu qarax gaari taxi ah lagu xiray uu ka dhacay wada gasha garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Ruuxa Geeriyooday ayaa la tilmaamay inuu ahaa ruux taksiile ah oo aad looga yaqaanay garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa waxaana qaraxu uu ku xirnaa gaariga uu watay sida dadka deegaanku ay inoo xaqiijiyeen,iyadoona sidoo kale qaraxu uu dhaawac u geystay ruux shacab ah oo gaariga lagu waday xilligii uu qaraxu dhacayey.
Markii uu qaraxu Dhacay ayaa waxaa durbaba goobta gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaa oo isku gadaamay goobta uu qaraxu ka Dhacay iyagoo dadka iyo gaadiidka u diidaya isticmaalka wadada gasha garonka diyaaradaha gaar ahaan agagaarka Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo maanta qaraxu uu ka Dhacay.
Illaa hadda lama oga cidda ka dambeysa qaraxan lala eegtay ruuxan taksiilaha ah ee maanta qaraxa gaarigiisa loogu xiray uu kula qarxay agagaarka Hotel Jazeera ee muqdisho.
Laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay waxay ka gaabsadeen in wax faah-faahin ah ay ka bixiyaan weerarka qaraxa ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

