Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dib u furi doonaan waddooyin halbowle u ah isu socodka magaalada Muqdisho.
Gudoomiye Taabid oo Shalay ku guuleystay in dib loo furo Wadada Laamiga ee ka leexata Wadada Maka Al-Mukarama ee Isgoyska Shaqaalaha illaa Isgoyska KPP ee degmada Hodan, taasoo sababo ammaan u xirneyd ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ka shaqeyn doonaan sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran si shacabka ay u isticmaalaan.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Guddoomiye Taabid ayuu ku sheegay in maalmaha soo socda ay furi doonaan waddooyin halbowle u ah magaalada Muqdisho.
“Waxaan dib u furnay wadadii shaqaalaha oo muhiim u ah isu-socodka & ganacsiga magaalada Muqdisho. Maalmaha soo socda wadooyin halbowle u ah magaalada ayaan dib u furidoonaa inshallah”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Shacabka Magaaladda Muqdisho ayaa ku bogaadiyay Maamulka Banaadir, iyagoo qaarkood ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir in la furo Wadada KM4 ka leexata ee aadda Tarabuunka, taasoo hor marta Madaxtooyadii C/qaasim, wadadan ayaa u xirneyd Safaaradda Turkiga oo horay u deganeyd dhismo ijaar ahaa oo wadadaas ku taalla.

