Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaaladda muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ah su-aal Oraaheed ku wajahan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumada federaalka soomaaliya yuusuf garaad Cumar oo wax laga weydiin doono shaqooyinka wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaliya.
Dhawaan Illaa 12 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya ayaa mooshin ka gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar si wax looga weydiiyo ku dhaqan la’aanta faritaanka sharci Lr. 112 sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda ee dalka la dhaqangalay 05/09/2013 gaar ahaan qodobkiisa 1aad(b) iyo qodobka 4aad ee shuruudda diblomaasiga dibadda loo diraayo.
Qodobadda Yusuf Garaad lagu heysto waa awood qeybsiga beelaha 4.5 iyo qoondada beel walbo ay ka tahay in ay ka hesho shaqaalaha arrimaha dibadda, waxaa kale oo wax laga weydiin doona shuruudaha laga doonayo diblomaasiga dibadda loo dirayo.

