Laamaha amaanka Maamulka Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo shalay lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Sida wararka ay sheegayaan beesha uu ka dhashey ninka ku eedeysan dilka guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari ayaa ku guuleysatey in ay soo qabtaan eedaysanaha kadibna waxay ku wareejiyeen ciidanka Booliska, waxaana warbaahinta loo xaqiijiyey in ninkaasi hadda uu ku wareegay gacanta ciidanka amaanka ee Boosaso.
Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa shalay Gudaha Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari waxa uu ku dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil, kaasi oo ilaa haatan aan la ogeyn sababaha ka dambeeya dilkiisa.

