Xalay saaacada marka ay aheyd 12:15-daqiiqo ayaa dab xoogan oo geystay qasaaro hantiyadeed waxa uu ka hacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaaladda Muqdsiho.
Sida aay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahaa dabku waxuu ka kacay dhanka Sarif Weynaha ee sarta Cali Dheere.
Dabka ayaa la sheegay in uu baa’bi-iyay goobo Ganacsi ay lahaayeen shacab Soomaliyeed.
Waxaa goobta gaaray ciidanka dowlada oo rasaas adeegsanayay, gaadiidka dab damiska ah iyo shacab la tacaalayay hantidooda.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabka.
Ilaa iyo haatan lama oga sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaan,waana arin kusoo noqnoqotay Suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho walina xal looma helin.

