Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Mareykanka in ay duqeyn ka fuliyeen Saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab.
Maamulka Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Cali Fooldheere oo u dhow Degmada Mahadaay.
Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ee Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ay Al-shabaab u qaadeen deegaanka fiidoow,oo ah inta u dhaxeysa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhanka kale dagaalyahanada Al-shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka islamarkaana ay askar ka Dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya.

