Duqeyn Lagu Dilay Sarkaal Al-shabaab Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Mareykanka in ay duqeyn ka fuliyeen Saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab.

Maamulka Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Cali Fooldheere oo u dhow Degmada Mahadaay.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay  ee Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ay Al-shabaab u qaadeen deegaanka fiidoow,oo ah inta u dhaxeysa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dhanka kale dagaalyahanada  Al-shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka  islamarkaana ay askar ka Dileen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here