Akhriso:-Tahriibayaal Laga Badbaadiyay Biyaha Mediterranean

0
In un'immagine diffusa dalla Marina Militare il 23 febbraio 2016, un momento delle operazioni di soccorso messe in atto dalla Nave Cigala Fulgosi che, intervenuta in soccorso a tre natanti, ha recuperato un totale di 407 migranti tra cui 4 cadaveri, 23 febbraio 2016. Sono 731 i migranti soccorsi complessivamente oggi dalle navi della Marina Militare durante il pattugliamento dello Stretto di Sicilia nell?ambito dell?Operazione Mare Sicuro. ANSA/ US MARINA MILITARE +++ ANSA PROVIDES ACCESS TO THIS HANDOUT PHOTO TO BE USED SOLELY TO ILLUSTRATE NEWS REPORTING OR COMMENTARY ON THE FACTS OR EVENTS DEPICTED IN THIS IMAGE; NO ARCHIVING; NO LICENSING +++

Sarkaal ka tirsan waaxda dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharcidaradda ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ciidaada ilaalada xeebaha Libiya ay soo badbaadiyeen 137 tahriibayaal ah kuwaas oo isku dayayay inay gaaraan Yurub.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa waxay saarnaayeen doon caag ah waxana kamid ah qaxootigan 5 haween ah iyo 3 caruur ah.

Captain Amin al­Busifi oo ah madaxa waaxda dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharcidarada ah ee laanta Taajoora ee duleedka bari ee magaalada Tripoli, ayaa u sheegay AFP in laanta Taajoora ay soo badbaadisay ku dhawaad 137 qaxooti ah.

Afhayeenka ciidammada badda Ayoub Qaasim ayaa u sheegay AFP in soo galootigan ay kasoo jeedaan jinsiyado kala duwan oo Afrikaan ah kuwaas oo saarnaa doon caag markii ay ka qabteen in ka badan 20 kilomitir meel waqooyi ka xigta soohdin­ badeedka tuulo kalluumaysi oo ku taalla meel u jirta 30 kilomitir galbeedka Tripoli.

Dadkan qaxootiga ah ayaa waxa la geeyay saldhigga ciidamada badda ee Tripoli, iyaga looga sii gudbiyay Taajoora halkaas oo gacanta laga galiyay waaxda dagaalka ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ah sida wararkan laga soo xigtay.

Muqaal qaade katirsan wakaaladda AFP ayaa sheegay in tobonaan kamid ah dadkan lagu ururiyay goob barxad ah oo cedceedu ay ku gubayso iyaga oo ku sugaya si loogu qaado xarumaha lagu ururiyo dadka qaxootiga ah.

Tirakoob uu soo saaray ururka socdaalka ee dunida ee IOM ayaa muujinaya  in ka badan 111 kun oo qaxooti ah ay soo gaadheen Yurub iyaga oo kasoo gudbay badda tan iyo January, oo ay ku jiraan oo ku dhawaad 93 kun iyo 500 oo soo gaadhay Italy,halka In ka badan 2360 qof ay ku dhinteen badda intii ay ku guda jireen socdaalka badda si ay u gaadhaan Yurub.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here