Dalka Uganda ayaa todobaadkii aynu ka soo gudbnay waxaa ka socday shir looga hadlayay arimaha burcad badeeda kaa oo ay ka soo qeyb galeen madax katirsan urur gpboleedka IGAD iyo wafdi ka socday dowlada federalka soomaaliya.
Shirkan ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa afduubka biyaha soomaaliya loogu guleysto maraakiibta isticmaalaya iyo in dowlada soomaaliya garab lagu siiyo horumarinta laamaha amaanka badda.
Kulanka ayaa ahaa mid muhiim u ah ladagaalanka burcad badeeda iyo iskaashi laga sameeyo horumarinta ciidan badeed taageero ka helaya maamul goboleedka IGAD si ay u xoojiyaan sugidda amaanka xeebaha biyaha soomaaliya oo sidoo kale ay ka dhacaan kaluumeysi sharci darro ah.
Waxaa sidoo kale biyaha soomaaliya laga geestaa falal ku saabsan tahriibin sharci darro ah, soo dhoofinta daroogooyinka,soo dejinta hub sharci darro ah iyo dhoofinta xawaanaadka oo si sharci darro ah dalka loogu dhoofiyo dalal shisheeye.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay agaasimayaal ka socday maamul Goboleedyadda Jubbaland, koofur galbeed , Puntland, Galmudug iyo Hir-shabelle.
Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi oo ah wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka badda dowlada fedealka soomaaliya oo ay wehliyaan golo wasiiro ah ayaa kulanka ka sheegay in soomaaliya ay walaac xoogan ka qabtay dhacdooyinka aan la soo gudbin ee ku aadan biyaha soomaaliya sida kaluumeysiga sharci darrada laakiin wada shaqeyn kadib arinkaasi laga guuleysan doono.

