Soomalida Minnesota oo Dalbatay in Wax Laga Qabto Weerarada Islaam Naceybka

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujinaya weerarada Islaam nacaybka ah ee ka soo cusbonaday gobolka Minnesota ee dalka Mareyakanka, waxaana falalkaasi kamid ah bamb lagu weeraray masjidka Darul Faruq ee ku yaala magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ee dalkaasi

Inkastoo aanay jirin falkaasi cid qasaaro ay ka soo gaartay ayaa haddana waxaa uu dhaliyay walaac iyo cabsi la soo deristay bulshada muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida kunool dalka Mareykanka oo ah dadka ugu badan ee kunool gobolka Minnesota.

Xildhbaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomalaiyeed iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolkaasi oo goobta weerarka uu ka dhacay Booqday ayaa si kulul u cambaareeyey falkasi kuna tilmaamay wax an la aqbali Karin in bulshada lakala qeybiyo.

Agaasimaha masjidka darul Faruq Maxamud Carab oo la hadlay warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Arin taasi ay ku abuurtay argagax iyo cabsi waxa uuna yiri Maxamud Carab.

“Run ahaantii waa fal argagax leh, oo fool xun waan cambaareynaynaa, Guud ahaan Soomaalida degan dalka maraykanka ayaa waxa ay muujijayaan Walaac arintani soo cusboonaatay waxaana ka codsanaynaa laamaha amaanka in ay wax ka qabtaan”, Ayuu yir

Laamaha ammaanka ee dalka Maraykanka ayaa ilaa iyo Hada wada baaritaano iyagoo sheegay in saacadaha soo socdo ay saxaafada la wadaagayaan natiijada baaritaankaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here