Puntland oo Xabsi Dhigtay Wariye Cumar Siciid Maxamed

0
??????????????

Ciidamda amaanka maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Suxufi Cumar Siciid Maxamed oo ahaa xoghayaha warfaafinta ururka MAP isla markaana ka tirsanaa warbaahinta Horseed Media iyo Telefishanka Somali Cable.

Suxufiga ayaa la sheegay in Ciidamada amaanka  ay ka wateen goobtiisa shaqo islamarkaana loo gudbiyey xabsi ku yaala Kontroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo ahayd meeshii dhawaan laga soo daayey Suxufi Kilwe oo lagu xirey qoraalo uu ku qoray Facebook.

Ilaa haatan lama ogo sababaha ka dambeeya xariga Cumar Dheere,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here