Munaasabad abaal-marin lagu guddoonsiinayey Ardaydii Kaalmaha Hore ka galay Barnaamijka Tartanka Qur’aanka Aqriska Bisha Ramadaan Ee Idaacadda Simba ayaa Maanta Lagu qabtay Xarunta dhexe Ee Idaacadda.
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Sare ee idaacadda Simba, Maamulka Shirkadda Fatax Generaal Trading Company oo maalgalinaysay Tartanka, iyo Guddigii Tartanka qur’aanka aqrista.
Ugu Horeyntii waxaa munsaabadda ka hadlay Madaxa Barnaamijyadda idaacadda Simba Maxamed Cabdi Xasan(Iidle) wuxuuna sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen ku dhowaad 60-ardey oo kala timid dugsiyadda ku yaala Degmooyinka Gobolka banaadir,islamarkaana tartanka laga nasanayay maalinta Jimcaha ah.
Dhanka kale Ustaad C/wali oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Tartanka Qur’aanka Aqriska Bisha Ramadaan Ee Idaacadda Simba oo musaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in guddigooda ay juhdi badan ay ku bixyeen sidii loogu mira dhalin lahaa tartanka.
Mid kamid Mas’uuliyiinta Shirkadda Fatax Generaal Trading Company oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in tartanka muhiimadda ay u taabagaliyeen ay aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa bisha RamAdaan Kalaamka alle,islamarkaana ay sii wadi doonaan tartamada noocaan oo kala ah.
Ugu dambeyntii madaxa Shaqada iyo shaqaalaha ahna Tifaftiraha idaacadda Simba Axmed Xassan Axmed(Axmed Yarre) oo ku hadlayay magaca Maamulka Guud ee idaacadda Simba ayaa sheegay in idaacadda ay mar walba walba u taagan tahay sidii loo hormarin lahaa aqoonta jiilka Soomalyeed islamarkaana sanadaha dambe ay qaban doonaan tartamo ka xiiso kuwaan kan hadda.
Tartankaan ayaa soo bilowday bilowgii bisha Ramadaan,waxaa ka qeyb galay ku dhawaan 60-ardey oo kala yimid Dugsiyadda Qur’anka Kariimka ee ku yaaala degmooyinka Gobolka banaadir,waxaana kaalima kowaad, labaad iyo seddexaad kala guuleystay C/salaam Xuseen Yuusuf oo ka socday Dugsiga C/laahi binu Mascuud, C/laahi Xasan Xuseen oo ka socday Dugsiga Macalin, iyo hodan macalin Cusmaan.












