Maydka Cunug Saqiir ah oo la gubay ayaa Maanta barqaadii waxaa lagu arkay xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Mid kamid ah dadka deegaanka xaafadda Towfiiq ayaa idaacadda u sheegay in meydka canuga Saqiirka ah ay arkeen dadka deegaanka islamarkaana uu yaalay goob garaash oo ku yaala xaafadda, dadka deegaankana ay la yaaban yihiin dhacdadaan.
“Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshid waxaa saakay saacado marka aheyd 09:00am lagu arkay meydkad cunug yar oo la gubay,waa cunug la dhalay labo habeen ka hor sida la qiyaasay,waxaa qeybta hoose oo dhan ka cunay ey,qeybta sare ayaa laga aqoonsaday, garaash ku yaala xaafada Towfiiq ayaa lasoo dhigay, Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa goobta soo gaaray iyagaa qaaday”, ayuu yiri Mid kamid ah dadka deegaanka.
Dadka ku nool xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa arintaan aad ula yaabay, waxayna qaarkooda ay ku tilmaameen in ay tahay wax lala yaabo in la gubo cunug dhalan labo habeen islamarkaana lasoo tuuro.

