Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya loogu geystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ee Dowladda Soomaliya iyo Maamulka Galmudug.
Maxamed Nuur Diini Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda Dowladd goboleedka Galmudug ay aad ugu naxeen dilka loo geystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi, iyo walaalkiisa oo ku sugnaa Degmada Yaaqshid, ee Gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay in Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaliya ay iska kaashan doonaan sidii baaritaan loogu sameyn lahaa dilka loo geystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.
Rag hubeysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho Dil ugu geystay Gudoomiyihii Gobalka Galgaduud ee Maamul Gobaleedka Galmudug Allaha Unaxariisteen Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi xili uu ku sugnaa Degmada Yaaqshid, mas’uuliyadda dilka waxaa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

