Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho,+Dhageyso

0

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixisay qarax gaari lagu soo xirey oo xalay ka dhacay wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan   inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya Axmed Maxamuud Maxamed(Sayid Carab) oo shir jaraaid wariyayaasha u qabtay ayaa sheegay in qaraxaas uusan geysanin qasaaro sidaas u weyn islamarkaana ay ku dhinteen 3-ruux oo shacab ahaa oo goobta ak dhawaa.

Axmed Carab ayaa sheegay in qaraxa oo gaari lagu xirey uu dhacay xili ay Wadada Maka Almukarama ay Howgal amni xaqiijin ah ay ka wadeen Ciidamada Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Xasilinta caasimada.

“Qarax  lagu soo xirey gaari ayaa ka dhacay meel ay dad shacab ah ay ku sugnaayeen,qasaaro sidaas u weyn ma uusan geysanin,3-qof ayaa ku dhimatay,Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa goobahaas howlgal ka waday, sidaas ayuu qasaraha ku yaraaday, hay’adda amniga waxaa mar walba ka go’an xaqiijinta amniga, iyo in laga hortago shabaab-ka caadeystay leynta shacabka Soomaliyeed”, ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya Axmed Maxamuud Maxamed(Sayid Carab).

4-qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyootay qarax gaari lagu soo xirey oo caawa Maqribnimadii  ka dhacay wadadda Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dadka geeriyooday waxaa ku jira Bajaajle, Hooyo qaadka iibin jirtay iyo hooya kale iyo cunugeeda, waxayna dhamaantooda ay ku sugnaayeen goobta uu gaariga ku qarxay oo ah inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here