Cali Khaliif:-“Khaatumo Waxaa Laga Burburinayaa Muqdisho Iyo Garoowe”,

0

Madaxweynaha maamulka Khatumo State Cali Khaliif Galeyr  oo la hadlay Laanta Afka Soomaliga ee Bbc-da ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu  faragalin  ku hayo jiritaanka maamulka Khatumo State, isaga oo ku eedeeyay Puntland in ay ku lug leedahay khilaafka soo kala dhaxgalay maamulkiisa.

Madaxweyne Galeyr ayaa sheegay in khilaafka ka dhax jira maamulka uu madaxweynaha yahay laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho, oo uu sheegay in maamuladas halkaas ka jira ay yihiin kuwa an doonaynin jiritaanka Khaatumo.

Kulan dhawaan garab ka mid ah baarlamanka maamulka Khatumo uu yeeshay Buuhoodle islamarkaana uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar ayaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday madaxweyne ku-xigeenkii maamulka Cabdulle Maxamed Heybe Cagalule.

Laakiin isla garab kale oo baarlamaanka Khaatumo State ka tirsan ayaa iyaguna fadhi ay yeesheen waxaa ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Degmada Buuhoodle oo ah halka ay xiisadan siyaasadeed ka jirto ayaa waxaa ku wada sugan madaxweynaha maamulka Khatumo iyo guddoomiyaha baarlmaaanka oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka la sheegay in xilka laga qaaday iyo siyaasiyiin ay isku aragti yihiin.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here