DEG DEG : Gudoomiyihii Gobalka Galgaduud Oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay Muqdisho

0

Rag hubeysan ayaa Caawa  Magaalada Muqdisho Dil ugu geystay  Gudoomiyihii Gobalka Galgaduud ee Maamul Gobaleedka Galmudug Allaha Unaxariisteen Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi xili uu ku sugnaa Degmada Yaaqshid.

Kooxda Dilka geystaya  ayaa waxaa ay Rasaas ku Fureen Gaari ay la socdeen Marxuun Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi iyo walaalkiis oo Marayey xaafadda Carafaat ee Dagmada Yaaqshiid, Kuwaasi oo Goobta ku Geeryooday, Sida Idaacada Simba ay  u Xaqiijiyeen Goob joogayaal ku sugaan Halka uu Falku ka Dhacay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo ku Sugan Magaalada Muqdisho ayaa Dhankooda Idaacada Simba u Xaqiijiyey Geerida Allaha Unaxariisteen Marxuun Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi.

Dhanka kale war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay xaafadda Carafaat ku dileen Max’med Cali Cilmi oo ahaa guddoomiyihii gobolka Galguduud ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here