Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Magacaabay Degmooyin Kamid Noqonaya Gobolka Hiiraan.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.

Saddexda degmo e ela magacaabay ayaa kala Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyadoo degmooyinka gobolka Hiiraan haatan gaaray siddeed degmo.

Gobolka Hiiraan  ayaa waxa uu  hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne, Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here