Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.
Saddexda degmo e ela magacaabay ayaa kala Halgan, Ceel-Cali iyo Far-Libaax iyadoo degmooyinka gobolka Hiiraan haatan gaaray siddeed degmo.
Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Beledweyne, Buula-burte, Maxaas, Jalalaqsi iyo degmada Matabaan.


