Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaliya oo Maanta Booqanaya Dalka Hindiya

0

Wafdi uu Hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane  Yuusuf Garaad Cumar ayaa booqasho maanta ku tagaya dalka Hindiya.

Booqashadaan ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo 5-cisho  ah islamarkaana wafdiga ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.

Wasiir Yuusuf-garaad ayaa marka hore booqan doona magaalada Mombay,2-bisha August waxa uu tagi doonaa Magaalada Soomalida ay ku badan tahay ee Hyderabad.

Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soomaaliyeed ee sannadaha badan ku xiran xabsiyada dalkaas.

Sidoo kale kulanka Labada wasiir ayaa la sheegay in lagu kala saxiixan  doono heshiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeedee ku xiran xabsiyada Hindiya, kuwaasoo dhawaanahan lagu jiray dadaallo loogu soo wareejinayo Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sanadkii aynu soo dhaafnay Dowladda Hindiya ku wareejisay 10-maxaabis hindiyaan ah kuwaasi oo laga soo furtay gacanta kooxaha Burcad badadeeda Soomalida.

Tirada maxaabista Soomalida ee ku xiran dalka Hindiya ayaa lagu sheegay 118-maxbuus oo loo haysto falal burcadbadeednimo ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here