Farmaajo oo Magacaabay Guddiga Mideynta Ciidamada Dowladda+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa magacaabay Guddi Saraakiil Ciidan ah oo heer qaran ah kuwaas oo  loo xilsaaray inay talo bixiyaan Sidii Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ay AMISOM ugala Wareegi la haayeen Sugida amniga iyo difaaca Wadanka ka hor inta aan la gaarin waqtiga ka bixitaan ciidamada AMISOM.

Guddigaan ayaa wax ay ka kooban yihiin qeybaha kale duwan ee Ciidamada Qaranka waxaan ay dajinayaan shaxda Howlgalada lagu soo afjarida dagaalka Al-shabaab, Xaqiijinta amniga qaranka iyo Wada Shaqaynta Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.

Kulan ay isku yimaadeen Saraakiisha  qeybaha ka duwan ee Ciidamada Qaranka oo Shir gudoominayey Madaxweynaha dalka ahna Taliyaha ee Ciidamada Qalabka Sida ee JFS, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa looga hadlay sidii Xal looga gaari lahaa isku Dhacyada Hubaysan ee dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo diyaarinta Hanaan la wareegitaan guud ahaan dalka inta aan lagaarin Sanadka 2018-ka oo Ciidamada AMISOM bilaabayaan ka bixitaan Soomaaliya kuwaasi oo qorshuhu yahay joogitaan soomaaliya ay gaba-gabeeyaan 2020-ka.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya  Bashiir Maxamed Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay Madaxweynaha iyo Saraakiisha Ciidamada Go’aamiyeen dhismaha Guddi Heer Qaran ah oo dajiya qorsha Howlgalin Ciidamada iyo ka hor taga Sababaha keena isku dhaca Ciidamada Dowladda Soomaaliya .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here