War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Waabari ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari lagu soo xirey in uu ka dhacay gudaha Degmadaas.

Qaraxaan oo gaari lagu soo xirey ayaa ka dhacay degmada Waaberi gaar ahaan xaafada Buur-dheere.

Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdi Cunguf oo degmada Waaberi si weyn looga yaqaano ayaa la sheegay in gaarigiisa loogu xirey, wuxuuna horey ugu tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawcaantay Cabdi Cunguf, Haweeney iyo wiil yar oo Gaariga la saarnaa, sida ay xaqiijiyeen Sarakiil ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa lagu sheegay Alion, kaasi oo uu soo gaaray burbur xoogan, goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada Dowladda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here