Duqeyn Lagu Dilay Gudoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka banaadir

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay ka fuliyeen degaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM,  ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dowladda Mareykanka in ay duqeyn ka fuliyeen deegaankaas islamarkaana lagu dilay sarkaal Shabaab ah.

Warar  haatan soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntaas lagu dilay guddoomiyihiiAl-Shabaab ugu magacownaa gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan (Cali Jabal), kaasi oo la sheegay in uu ku sugnaa degaankaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here