Maamulka Somali-land ayaa sharaxaad ka bixiyay Kaniisadda la sheegay in laga furey magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas.
Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw qaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed oo shir jaraaid warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay jirin kiniisad cusub oo loo ogolaaday balse ay jirtay in kiinsadii hore u jiri jirtay in loo fasaxay inay ku cibaadaystaan dadka aaminsan diinta Kiristaanka ee wadanka ka hawlgalla.
Waxa uu sheegay in dastuurka iyo shareecadda islaamku diidanayn in dadka ehelu kitaabka ah inay dalka yimaadaan oo ka shaqaystaan,isla markaana ma diidana in ay ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen.
“Somaliland waxay leedahay dastuur, dastuurkeeni wuxuu leeyahay ma ogola in diin aan ahayn ta islaamka in lagu faafiyo iyo in dadka Somaliland diintoodda bedelaan, shareecadda islaamka iyo dastuurka Somaliland kama soo horjeeddo dadka ehelu kitaabka ahi inay dalkeena yimaadaan, oo ay ka shaqaystaan ama sifo sharci ah ku joogaan,mana diidayso inay dadkani ku cibaadaystaan goobihii ay hore u lahaayeen ee dhisnaa illaa xiligii ingiriiska toddobaatan sanno ka hor,waxaanu cadaynayna in aanay jirin kiniisad cusub oo Hargeysa laga dhisay sida lagu faafiyey baraha bulshadda”, ayuu yiri Wasiirka wasaaradda diinta iyo Aw qaafta Sheekh khaliil Cabdilaahi Axmed.
Baraha bulshada ayaa todobaadkaan waxaa qabsaday hadal heynta ku aadan in kaniisad laga furey magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somali-land.

