Kooxo Hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay bambo Gacmeed ay ku tuureen bar kontrool oo ciidamada amanka Dowladda Federaalka soomaliya ay ku leeyihin xaafadda Geed Jaceel ee Degmaa Wartanabada ee Gobolka banaadir.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in bam lagu tuurey Ciidamada islamarkaana ay fureen ciidamada rasaas xoogan,waxaana hakad galay dhaqdhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafadda Geed jaceel ee Degmada Wartab-nabada.
Ilaa haatan si dhab ah looma ogo qasaaraha ka dhashay qaraxaas bam ee caawa lagu weeraray Ciidamada Dowladda eek u sugan xaafadda Geed Jacel ee Degmaa Wartanabada ee Gobolka banadir.

