Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaliya Enjineer C/raxmaan Cumar Osman (Yariisow)ayaa ka hadlay xariga Sawir Qaade Muqtaar Nuur oo maalinkii khamiista ay aheyd ay xireen Ciidamada Hay’adda nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya ee (NISA).
Wasiirka ayaa sheegay in Hay’adda amniga ay la xiriireen islamarkaaana ay u xaqiijiyen in wariyaha aan lagu haysanin xarfadiisa.
“Hay’adda amniga Dowladda Soomaliya waxay noo xaqiijiyeenim xariga muqtaar Nuur uusan aheyn arrimo la xiriira xirfadiisa saxaafadeed, waxaa socda baaritaan”, ayuu yiri Wasiir Warfaafinta Eng Yariisow.
Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliya ee (NISA) ayaa waxa ay maalinkii khamiista aheyd xabsiga dhigeen Sawirqaade Caanka ah Barta Youtube-ka oo lagu macagaabo Muqtaar Nuur.
Sawir Qaade Muqtaar Nuur,waxa uuna ku can baxay Barta Youtube-ka isaga oo soogelin jiray Muuqaalo qurux badan oo ku saabsan Magaalada muqdisho Goobaha loo dalxiistago sida Beerta-Nabadda iyo Xeebta liido.

