Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaal maanta ka dhacay deegaanno ku dhow magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaliya.
Afhayeenka Howlglada Xarakada Al-shaabaab shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahintada Al-shaababa aya sheegay in weerar xoogan ay kuuu qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.
Waxa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay in ka badan 30-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa Saldhigyadda deegaankaas ku yaala.
“Muslimiinta waxaan ugu bishaaraynaynaa in dagaallo saaka ka dhacay Gobolka Shabeelaha hoose lagu jabiyay AMISOM, Al-shabaab waxay dul istaageen oo ay gacanta ku hayaan Meydadka 39 Askari oo saraakiil sare sare kamid yihiin, dhammaan wixii hub ahaa ee ciidankaasi watayna waa laga qaniimeystay” sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Taliska ciidanka Al Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka Howlglada Xarakada Al-shaabaab shiik C/casiis Abuu Muscab waxa uu sheegay in jidka loo galay askar ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo ka amba baxay dhanka Danoow kunasii Jeeday Buula Mareer.

