Dowladda Federaaalka Soomaliya ayaa faah-faahin ka bixisay qarax gaari loo adeegsaday oo barqanimadii maanta ka dhacay Inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaliya Axmed Maxamuud Maxamed(Sayid Carab) oo warbaahinta kula hadlay goobta oo qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in laamaha amniga ay ku guuleysteen in la fashiliyo qaraxaas islamarkaana Al-shabaab y doonayeen in ay ku laayaan shacab Soomaliyeed.
Axmed Carab ayaa sheegay in Al-shabaab in ay usoo jeesteen leynta shacabka Soomaliyeed, kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaliya ay ku guuleysteen in ay sugaan amniga Magaalada Muqdisho.
“Waan ka Xunahay Dowladda way dhibsanaysaa in Al-shabaab ay dhibaato u geysteen shacabka Soomaliyeed, maanta waad u jeedaaaan sida Al-shabaab ay u laayeen shacabka Soomaliyeed ee ku sugnaa wadadaan, Dowladda Soomaliya waxay ku guuleystay in ay xaqiijiso amniga magaalada Muqdisho, meesha uu qaraxa ka dhacay ma aysan joogin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya, Al-shabaab meel haloogu soo wada jeesto”, ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda Amniga.
10-qof ayaa ku dhaawacantay halka 5-kale ay ku dhinteen oo shacab u badan kadib markii gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay Inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

