Axmed Siilaanyo:-“Inaga oo aan Aqoonsi Haysan ayaan Gaarnay Nabad iyo Xasilooni”,

0

Madaxweyne  maamulka Somali-land Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka qaybgalay munaasibada qorshaha horumarinta 2017-2021,  oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somali-land ay guulo gaartay mudadii ay dhisneed.

“Waxaynu ku guulaysannay nabad iyo xasilooni buuxda, taas oo ku timid midnimada, wada-jirka iyo iskaashiga Ummadda Somaliland. Waxa hubaal ah, in mudadaa rubuc qarniga ah, inaga oo aan aqoonsi haysan aynu ku talaabsannay horumar weyn oo la taaban karo, taas oo Somaliland ka dhigtay xaqiiqo jirta, oo nin neceb iyo mid jecel toonna aanu dafiri Karin”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo

“In kasta oo aynu xaqiijinnay guulaha aan soo sheegay, Somaliland waxay la wadaagtaa wadammada soo koraya caqabado tiro badan, sida dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada, deegaanka, shaqo la’aanta, saboolnimada, iyo tayeynta maamulka dawladnimo. Waxa si weyn inoo saameeyey abaaro soo noq-noqonaya, oo ay sabab u tahay isbedelka cimillada dunidu, kuwaas oo inagu keenay hoos u dhac dhaqaale,waxaan ku boorrinayaa, dhammaan Bulshada Reer Somaliland, iyo Qaadhaan Bixiyayaasha, innaga taageera dhinaca horumarka, in ay ka qayb qaataan hirgelinta qorshahan”, ayuu mar kale Yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Maamulka Somali-land ayaa aaminsan in uu yahay maamul ka madax banaan Soomaliya,balse 25-sano aynu soo dhaafnay waxay ku guuldarsteen in ay helaan aqoonsi rasmi ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here