Somali-land oo Ka Hadashay Kaniisadda Laga Furey Magaalada Hargeysa+Dhageyso

0

Xili Xalay ay soo baxeyn warar ku aadan in Kaniisad laga furey Magaalada Hargeysa  ee caasimadda Maamulka Somali-land ayaa arintaas waxaa ka hadlay Wasiirka diinta iyo Awqaafta maamulka Somaliland Khaliil Cabdillahi Axmed oo Maanta Warhaahintu shir jaraaid u qabtay.

Wasiirka ayaa diiday inay saxaafadu wax ka waydiisay Arintan la xiriirta kaniisadda, wuxuuna ku gaabsaday inay Soo saari doonaan War ku Saabsan, balse waxa uu ka digay in la fududeysto arrinta ku aadan in kaniisad laga furey magaalada Hargeysa.

“Aad baan uga Xunahay Wararka lagu faafiyay baraha bulshada, Iyagoo soo xiganaya Haweenay Kirishtaan ah oo dalka degan, waxaas waxba kama jiraan Wasaaradda diinta iyo Awqaaftu  iyadoo kaashanaysa wasaaradda Arrimaha Dibada Somali-land war saxaafadeed ayay kasoo saari doontaa oo loogu hadlaayo arintaan” ayuu yiri Wasiirka diinta iyo Awqaafta maamulka Somaliland.

Magaalada Hargaysa ee Somali-land waxaa lagu  qabtay kulan oo ay kasoo qeyb galeen  tiro Ajaanib ah sidoo kale  arday iyo aqoonyahano soomaali ah waxaana loogu hadlay mowduuc ku saabsan Mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.

Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadashay Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeysa magaalada Hargeysa waxayna sheegtay in Maamulka  Somaaliland aay kala hadleen furitaanka  Kaniisad Kaatoolig ah oo aay ku cibaadeestaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa, waxeyna xaqiijisay in loo ogolaaday oo ay  fureen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here