Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Hortagay Golaha Shacabka+Sawirro

0

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magalada muqdisho.

Kulanka Guud ee Golaha Shacabka oo ay soo xaadireen 156 xildhibaan ayaa Ajandaha kulanka waxa uu ahaa:-

Dhagaysiga Qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo shirka Gudoominayay ayaa ugu horeyntii ka hadlay Muhiimada Guddiga Adeegga Garsoorka Waxa uuna ku dheeraaday Marxaladaha uu soo maray dhisida Guddiga. Iyadoo xukuumadii hore ay hor kayntay Baarlamaankii sagaalaad laakiin aysan suuragal noqonin in uu dhismo guddiga.

Wasiirkii hore ee cadaalada xildhibaan faarax sh.Cabdulqaadir oo kulanka ka hadlay ayaa Wasiirka uga Mahadceliyay howsha muhiimada leh ee uu wado waxa uuna sheegay in ay garabtaagan yihiin ka Gole ahaan ayna ka go-antahay sidii loo helilahaa Guddiga Adeegga Garsoorka.

Tirro xildhibaano ah oo ka hadlay kulanka ayaa dhamaantood si weyn usoo dhawayay in la dhiso Guddiga waxayna wasiirka ku dhiirigaliyeen dardargalinta howsha lagu dhisaayo Guddiga

Ugu danbayntii Guddoomiyaha Golaha Shcabka ayaa dardaaran ujeediyay wasiirka iyo Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ee Golaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here