Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Somaliya oo Hortagaya Baarlamaanka

0

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista hanaanka dhismaha Golaha Adeega Garsoorka iyo su’aalo weydiinta Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Federaalka Somaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya ayaa todobaadkii hore Guddoonka golaha shacabka  ka dalbaday in la horkeeno Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Somalia si  ay su’aalo u weydiiyaan.

Wasiirka ayaa maanta la filayaa in uu hortago Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana uu horgeeyo qorshaha dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here