Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladd Goboleedka Jubba-land ayaa sheegay in Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Kenya ay duqeeyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka Tirsan gobolkaas.
Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaaadda Gobolka Gedo Cusmaan Maxamed oo la hadlay idaacadda Simba ee mgaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan deegaan la yiraahdo kulbis oo 27-KM u jira degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,wuxuuna sheegay in qasaaro xoogan la gaarsiiyay Ciidamada Al-shabaab ee deegaankaas ku sugnaa.
Waxa uu Sheegay in deegaanka la duqeeyay mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen dagaalyahaanada Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada lagu soo qaado degmada Garbahaareey iyo deeganada kale ee Ka tirsan Gobolada Gedo ee Koonfur dalka Soomaliya.

