Madaxweyne Xaaf oo Loogu Baaqo in uu Magacaabo Golihiisa Wasiiradda+Dhageyso

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu si deg deg ah usoo magacaabo Golihiisa wasiiradda kadib markii dib u dhacyo dhowr ah ay ku yimaadeen qorshaha magacaabista.

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhianada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loogu baahan madaxweyne Xaaf in uu kasoo baxo balaqaadyadii uu ka dhawaajiyay xiligii  la dhaarinayay oo ay kamid tahay in uu si deg deg ah usoo magacaabayo Golaha wasiiradda Maamulkaas, oo qaarkood ay xilalka iska casileen qaarna laga qaaday xiligii Madaxweynihii Hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuuleed.

Sidoo kale Xildhibaan Duraan Cali Jaamac ayaa Tilmaamay in Magacaabista wasiiradda Dowladd goboleedka galmudug ay meesha ka saarayso shaqo xumida lagu eedeeyo inta badan maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here