Magaalada cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug waxaa maanta dib ugu Laabtay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaale Geelle(xaaf) oo bilooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado ku soo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Galmudug , Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano.
Madaxweyne Xaaf ayaa salaan sharaf uga qaatay Garoonka cutub ka tirsan ciidanka Booliska, intaas kadib Madaxweynaha ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada.
Dhanka kale Waqtigii magacaabista golaha wasiirada ayaa gabaabsi, waxaana ka hartay 20 cisho, Madaxweyne Xaaf oo Cadaado lagu doortay 3dii Maajo 2017.










