Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loogu hadlay mowqifkooda ku aadan go’aanka dhawaan kasoo baxay Maxkamada Sare ee lagu laalay 8 kamid ah Kuraasta baarlamaanka.
Jubba-land ayaa sheegtay in mowqifkooda uu yahay inaan laga weecan doorashadii hore ee lagu doortay Xildhibaanada si looga hortago dhibaato ka dhalata Kuraastasi.


