UN:-“Al-shabaab Dadka Waxay Ku Qasbaan In ay u Dhintaan Macluul iyo Cuduro”,

0

Deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaalyanada Al-shabaab ee abaaraha dalka ku baahay  ayaa hay’ada qaramada midoobay waxa sheegtay   in dadka ku sugan goobahaasi loo diiday in ay helaan gar’gaar bini’aadanimo oo kaga yimaada hay’adaha deeqaha bixiya oo kuwa qaramada midoobay  hoos yimaada ay kamid yihiin.

Waxaa jimciyada qurumaha ka dhaxeysa  ay ku eedeesay Xarakada Al-shabaab qaar kamid ah magaalooyinka dalka  oo abaaro xoogan ay ku dhufteen in dadka lagu qasbay in dhimasho ay ka doortaan macluul iyo cuduro ama Ciqaab adag iney kaga iman doonto hadii ay raadsadaan gargaarka hay’adaha deeqaha bixiya,waxaana warbixinta lagu sheegay in dadka qaarkiis ay qasab ku tahay in ay ku sugnaadaan magaalooyinka diyaaradaha mareykanka ay duqeymaha ka geestaan halkaa oo dagaalyahanada xarakada al shabaab ay gacanta ku hayaan.

Waxaa qaramada midoobay oo soo xiganeesa wareysi ay la yeelatay  dad ku sugan deeqanada Xarakada Al shaab ay gacanta ku hayaan u sheegeen in  aysan la xeriiri Karin hay’adaha deeqaha bixiya oo hadii ay dhacdana looga shakinayo in howlo jaajuusnimo ah ay fulinayaan.

14 June sanadii  2016-kii  Saraakiisha Hay’adaha amaanka DFS ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay Diyaarad siday Raashiin dhacay  oo dalka ay soo gelisay hay’ada qaramada midoobay u qabilsan Cunnada ee WFP kaa  lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana  loo waday deegaanno ka tirsan Gobollada Koofureed ee Soomaaliya oo abaaro xoogan ay kajireen iyadoo ugu dambeyntii raashiinkaasi dhacay lagu gubay duleedka magaalada Mogadisho.

Dhanka kale Xarakada Al shaabaab ayaa hay’adaha qaramada midoobay hoostaga ku eedeeyay in ay howlo basaasnimo ay u fuliyaan dowlada mareykanka iyo dowlado kale oo ciidamadooda ay ka howlgalaan gudaha dalka soomaaliya.

Abaarta ku dhufatay dalka soomaaliya ayaa ah tii ugu xumeed muddo laga joogo 40 sano iyadoo abaarahu ay wehliyaan dagaalo iyo dowlada aan awoodin ay  wax u qabato dadkeeda ee abaartu saameesay waxaana hadda gargaar bini’aaadanimo u baahan 6.7 Million oo qof sida qaramada midoobay ay sheegtay iaydoo kala bar dadkaasi ay wajihi doonaan macluul hadii aysan h gargaar helin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here