Akhriso:-Safiirka Soomaliya ee Qaramada Midoobay oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

0

Safiirka Soomaliya ee Qaramada Midoobay Danjire Abuukar oo lagu badalay Yuusuf Garaad Cumar oo loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda  Soomaliya ayaa beeniyay warar la isla dhexmaraayay maalmihii dambe oo ku aadanaa in inuusan heli doonin xasaanad diblomaasiyadeed maadaama uu heysto dhalasho Mareykan ah.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la xiriira arintaas wuxuuna sheegay in Xasaanad uu ku leeayahay Dowladda mareykanka islamrkaana uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka Soomaliya iyo Qaramada Midoobay.

“Waxaan ku imid baasaboorka diblomaasiga ah, xasaanadna waan heystaa, warkaasi waxaa faafiyay kuwo aan u aqaan saxaafadda Tabliod-ka Media-ha oo aan waxba ka aqoon sida dunida u shaqeyso..” ayuu yiri Abuukar Baalle oo sheegay inay jiraan diblomaasiyiin badan oo isagoo kale ah oo ka howlgala Qaramada Midoobay.

Sida uu daabacay Wargeyska  Alleastafrica.com Safiirka Somaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa lagu sheegay in uusan yeelan doonin wax  xasaanad ah maadaama uu isticmalaayo baasaboorka Maraykanka kadib markii dawladda Maraykanku ay ka hor timid in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga aan dal-ku-gal lagu dhufan karin marba haddii uu safiirku haysto dhalasho maraykan ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Denjire Abuukar Baale oo haatan ku sugan dalka mareykanka islamarkaana ah muwaadin haysta dhalashada dalkaas in uu ka walwalsan yahay arinkaan kusoo kordhay ee ku aadan in uusan laheyn wax xasaanad ah.

Waxaa kaloo Wargeyska uu Sheegay in  madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka baaqdaday shir ka dhacayey gollaha Qaramada Midoobay ee New York  ee dalka maryekanka kadib markii loo diiday in dal-ku-gal loo saaro baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ah maadaama laftiisu uu yahay muwaadin Maraykan ah,islamarkaana aan u suurta galaynin in uu helo dal-ku-gal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here