Maamulkii Xorriyad gaarsiinta ee Talyaaniga (A.F.I.S) wuxuu ka soo dhex saaray ciidankii booliiska raggii u badnaa ciidankii hore, wuxuuna ka dhigay xiddig sugeyaal, iyadoo uu u xiray xiddig madow waxaana ka mid ahaa raggaa: –
1. Cabdulle Carro Gubatay.
2. Surwaal gaab.
3. Max’ed Abshir Muuse.
4. Daa’uud Cabdulle Xirsi.
5. Max’ed Ibaahim Axmed (Liiq-liiqato).
6. Max’ed Ceynaanshe Guuleed.
7. Xuseen Kulmiye Afrax.
8. Max’ed Siyaad Barre Cabdille (Af-weyne).
9. Max’ed Bin Khamiis.
10. Darbiyo salaan.
11. Hilowle dhag naas.
12. Max’ud Hadaafow.
13. Cabdalle san dheere.
14. Goodax Barre.
15. Jaamac Ow-Muuse.
16. Max’ed Cali Mire.
17. Cabdulle Barre.
18. Cali Cilmi Barre.
19. Cusmaan Sabriye Cali.(Cusmaan Sonkor)
20. Ismaaciil Max’ed.
Inta koorsadii dibadda loo diray (Italia), iyo sidii loo kala diray waa sida soo socota:
I-Aad
Magacyada Kooxdii ugu horreysay ee loo diray Koorsadii Talyaaniga 1952
1. Max’ed Abshir Muuse. 1952
2. Daa’uud Cabdulle Xirsi. ” ”
3. Max’ed Ceynaanshe Guuleed. ” ”
4. Max’ed Ibraahin Axmed (Liiq-liiqato). ” ”
5. Xuseen Kulmiye Afrax. ” ”
6. Max’ed Siyaad Barre Cabdille (Af-weyne). ” ”
7. Max’ed Bin Khamiis. ” ”
8. Cabdalla san Dheere ” ”
II-Aad
Magacyada Kooxdii Labaad ee loo diray Koorsadii Talyaaniga 1953
1. Jamaac Aw-Muuse 1953
2. Max’ed Cali Mire. ” ”
3. Cabdulle Barre ” ”
4. Cali Cilmi Barre. ” ”
5. Cusmaan Sebriye Cali.(Sonkor) ” ”
6. Ismaaciil Max’ed (Eritrea) ” ”
III-aad
Magacyada Kooxdii Seddexaad ee loo diray Koorsadii Talyaaniga 1954 oo iyagu soo qaatay tababarkii dhabta ahaa ee Ciidan ka Military-ga.
1. Max’ed Cali Samatar. 1954
2. Salaad Gabeyre Kediye. ” ”
3. Max’ed Faarax Xasan (Ceydiid) ” ”
4. Cilmi Nuur Tareey. ” ”
5. Cabdalla Max’ed Faadil ” ”
6. Abuukar Gacal Muudeey. ” ”
7. Abuukar Xasan Weheliye (Suulaley) ” ”
8. Cabdullaahi Yuusuf Axmed. ” ”
9. Ibraahim Rooble Warfaa (Doonyaale) ” ”
10. Nuur Caddow Cali. ” ”
11. Max’ed Nuur Max’ed (Baarqab) ” ”
12. Max’ed Cali Sharmaan. ” ”
13. Xasan Max’ud Sebriye (Gaamuur) ” ”
Dabadeed waxaa saraakiil noqotay qaarba mar xubnaha kala ah: –
1. Tawaad Dhallin Fiidow.
2. Max’ed Sheekh Macow.
3. Cabdulqaadir Dheel Cabdulle.
4. Axmed Ismaaciil Boqor.
5. Max’ed Raajis Max’ed.
6. Cali Mataan Xaashi.
7. Cali Jaamac Cali.
8. Feytaan.
9. Cusmaan Cabdulqaadir.
Gobollada Woqooyi waxa xilligaas ka jirey ciidan la dhihi jirey Soomaali Scouts, oo ka koobnaa horimaha soo socda iyo ciidan talis ah oo yar, ciidankaasi ma laheyn saraakiil xornimada ka hor, laakiin waxaa tababar dibadda loogu diray markii ay soo dhawaatay xorriyaddu rag uu ka mid ahaa Xasan Cabdulle Walanwal (Keyd) horimahaa waxaa la oran jirey: –
1. A Company.
2. B ” ”
3. C ” ”
4. D ” ”
5. E ” ”
6. F ” ”
Ciidanka Waqooyi ee ahaa Soomaali Scouts Regiment, markii xornimadu soo dhawaatay waxaa la doorran-siiyey in la ruqseeyo oo xaqooda la siiyo iyo in xaqooda loogu wareejiyo dowladda Soomaaliyeed ee dhalan doonta, waxaana sidaas doorran siiyey Ingiriiska, waxey doorteen in xaqooda loogu wareejiyo dowladda soomaaliyeed ee dhalan doonta, sida la sheegeyna waxaa xaqoodii dowladda ingiriisku ugu dhiibtay Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Waqtigii xorriyadda loo dagaalamayey ciidamada Soomaali scout regiment waxey wax uga jireen halganka xornimo u dirirkaahaa ee S.N.L. qaar badan oo iyaga ka mdi ah waa lagu ruqseeyey, qaarna waa lagu xirxiray.
Qaabkii Sideedda horimood loo kala xukumayey wuxuu ahaa:-
1. Horinta 10aad waxaa xukumayey Dhamme Max’ed Cali Samatar.
2. = = = 20aad waxaa xukumayey Dhamme Salaad Gabeyre Kediye.
3. = = = 30aad waxaa xukumayey Dhamme Max’ed Farax Xasan (ceydid)
4. = = = 40aad waxaa xukumayey Dhamme Cilmi Nuur Tareey.
5. = = = 50aad waxaa xukumayey Dhamme Cabdalla Max’ed Faadil.
6. = = = 60aad waxaa xukumayey Dhamme Abuukar Gacal Muudeey.
7. = = = 70aad waxaa xukumayey Dhamme Abuukar Xasan Weheliye.
8. = = = 80aad waxaa xukumayey L/xidigle Cabdulqaadir Dheel Cabdulle
Ciidamadii Xiisaanleeyda la oran jiray ee uu dhexda ugu xirnaa xisaanka, ayaa ahaa kuwii laga dhigay ama lagu aasaasay ciidanka xoogga dalka iyo qaybo Booliiska ka mid ahaa, qaabkan ayuuna u dhismay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane C/llaahi Ciise Maxamuud 12kii Abriil 1960 waxa uu ku dhawsaaqay dhismaha Xoogga Dalka isagoo hore u abaabulay, saxiixayna dekreeto Lambar 15 ee 6dii April 1960kii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sidaas ayeyna 12ka April u noqotay maalinta Xoogga Dalka, waxaana xafladii aasaaska xoogga dalka lagu qabtay garoonkii kubadda cagta ee Shabeelle ku yiilay, oo hadda ah xaruunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna C/llaahi Ciise Maxamuud Taliyihii xoogga dalka u magacaabay Da’uud Cabdule Xirsi halkaasoo uu ugu dalacsiiey darajada (Jeneraal/General).

