Hoobiyayaal Lagu Garaacay Saldhig ay Ku Sugnaayeen Ciidamada Jabuuti

0

Wararka ka imaanaya Degmada Jala-laqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay xalay hoobiyayaal  ay ku gaaraaceen saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin magaaladas.

Ilaa 10-hoobiye  ayaa la sheegay in Al-shabaab ay ku weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku sugnaayeen,islmarkaana Ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen hoobiyayaal  kale oo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ah geysteen.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Jabuuti ee Degmada Jalalaqsi islamarkaana qasaaro kala duwan la gaarsiiyay Ciidamada Jabuuti ee xiradas ku sugnaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here