Jubba-land oo Maxkamadeynaysa Gudoomiyihii Balad-xaawo+Dhageyso

0

Maamulka Jubb-land ayaa sheegay in la maxkamadeyn doono Gudmooyihii Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee xilka laga qaaday iyo Taliyihii Hay’adda nabad Sugida ee Magaaladas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalka Maxaabis ku xirneed xabsiga magaaladas.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Magaalada ay haatan ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba-land uu hogaaminayo wasiirka Amniga ee maamulkaas C/rashiid  Janan kuwaasi oo xal u raadinaya arinta lagu qaarijiyay Maxaabista afarta aheyd ee lagala baxay xabsiga Magaaladas.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo in  Maamulka jubba-land uu xilkii ka qaaday Gudooyihii Degmada Balad-xaawo, Taliyihii nabadd Sugida ee magaaladas kuwaaasi oo ku eedeysan in ay ka dambeeyeen fududeynta toogashada afar Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga magaaladda kuwaasi oo lagu eedeeyay shabaab-nimo.

“Maamulka Gobolka Gedo, iyo Madaxii Maamulka Jubba-land ayaa haatan ku sugan maagalada Balad-xaawo, Maamulka Gedo aad ayuu kaga xun yahay falka lagu dilay Maxaabista, falkaas waxaa xilalkoodii ku waayay Gudoomiyihii Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, iyo Taliyihii nabad Sugida ee Magaaladaas, haatan way xiran yihiin dhawaan ayaa Maxkamadd lasoo taagi doonaa”, ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Jubba-land.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili habeenkii isniin aheyd xabsiga Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka gedo lagala baxay afar dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa shabaab-nimo waxaana lagu toogtay duleedka Magaaladas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here