Dowladda Mareykan-ka ayaa sheegtay in Ciidamadeeda sida gaarka ah u Tababaran iyo kuwa Puntland ay gacanta ku dhigeen Cabidrisaaq Tahliil Ina Caloolgeel madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee Al-Shabaab ee deeganada Gobolka Mudug.
Mareykan ayaa sheegay in Cabidrisaaq Tahliil lagu raad-joogay sanadihii dambe islarmaakana lagu guuleystay In gacanta lagu dhigo kadib howlgal laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Dowladd Goboleedka Galmudug.
Howlgalka laga sameeyay magaalada Gaalkacyo ayuu Channel-ka CNN waxa uu daabacay in lagu bartilmaameedsaday Cabidrisaaq Tahliil Ina Caloolgeel oo kamid ahaa Saraakiisha dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ku dhul maalaysanayay mudooyinkii dambe dhanka Galmudug iyo labo ruux oo isaga la socotay.
Maamulkii hore ee Puntland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ayaa gacanta ku dhigey Tahliil iyo nin kale Nofeember 17, 2012-kii isaga iyo in kale, waxaana lagu soo qabtey iyaga maleegaya qaraxyo, kadibna waxaa lagu xirey Garoowe, waxaana lagu xukumey dil toogasho ah sanadkii 2013-ka.
Balse dhalinyaro ka soo jeeda Galmudug ayaa afduubtey laba ardey oo ka soo jeeda deeganada Puntland, iyaga oo doonaya in Tahliil la soo daayo.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas maamulkiisa ayaa bishii Diseembar 2014 xabsiga ka sii daayey Tahliil si loogu beddesho ardeyda afduubka loo qabsadey, Tan iyo markii la soo daayey Tahliil waxaa halkoodi ka bilowdey dilalkii Gaalkacyo Waqooyigeeda ka socdey.
Cabidrisaaq Tahliil Ina Caloolgeel madaxii dhaqaalaha iyo Loojistikada ee Al-Shabaab ee deeganada Gobolka Mudug ayaa haysta sharciga daganaanshaha dalka mareykanka.

