Ciidamo Ka Tirsanaa Kuwa Gaashaan oo Shaqada Laga Rusqeeyay

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la ruqseeyay askar badan oo ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan oo xarun ku lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Go’aanka shaqada loogu rusqeeyay askartaan ayaa lagu sheegay  isku dhac dhex maray ciidamadaan iyo mas’uuliyiinta shirkad Mareykan ah ee gacanta ku heysay ciidamadan loo yaqaano Gaashaan, kaasoo ku saabsanaa dhanka awaamiirta,islamarkaan Ciidamada ay diideen qaadashada amarka.

Waxaa Sidoo kale la sheegay in khilaaf uu ka dhashay qalab ciidan oo la sheegay in lagala baxay Xerada ay degenaayeen Cii ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Soomaalida ah, taasoo keentay in askar dhowr ah la ruqseeyo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay In  Ciidamada Gaashaan aanay ka amar qaadan Wasaaradda iyo Taliska NISA, marka loo baahdana ay weydiisan jireen Saraakiisha maamuleysay ciidamadan.

Ciidamada Gaashaan oo horay loogu yaqaanay Alpha Group ayaa ah Ciidamo hab dhaqankooda wanaagsan yahay, kana duwan ciidamada kale ee dowladda, waa ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay gacanta ku heyso shirkad aan magaceeda la aqoon, balse la rumeysan yahay inay hoos-tagto Sirdoonka Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here