Dowladda Kenya oo Fureysa Xadka ay La Wadaagto Somaliya.

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta,  oo Taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisa ay dhawaan furi doonto xadka ay lawadaagan Somalia.

Madaxweyne Kenyata ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay faadido weyn  ugu jirto in la furo  xadka ay lawadaagan Somalia, wuxuuna sidoo kale sheegay in la geyn doono goobahaas Ciidamo badan oo kenyaati ah si ay kaga hortagaan weerarada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan Kenya.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya Kenyatta waxa uu Shacabka ku nool magaalada Mandera ugu baaqay in ay arintaasi kala shaqeeyaan dowladda, isla markaana soo gudbiyaan haddii ay arkaan Shabaab xadka kasoo gudbaya.

”Waxaan doonaynaa in aan furmo xadka aan la wadaagno Soomaaliya oo hadda xiran intiisa badantaasoo dhaqaalaha iyo ganacsiga degaankaan kor u qaadikarta”ayuu yiri Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya tan iyo markii Ciidamada Kenya ay kamid noqdeen howglka Midowga Afrika afrika AMISOM ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here