Mid ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo Sheegay in Dowladda Kenya ay Doonayso inay Bannaysato Qaadashada Qeyraadka Ku Jira Barriga iyo Badda Soomaaliya  

0

Prof.Ibraahim Heeroow oo ka mida Aqoonyahannada Soomaaliyeed oo la Hadalay Idaacadda Simba Ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Dowladda Waddanka Kenya ay Dooneyso in ay ka faaideysato Qeyraadka ku jira Gudaha Barriga iyo Badda Soomaaliya

Dacwadda la xariirta muranka dhanka Badda ah ee u dhexeysa Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya Ayaa waxaa ay Kenya ku andacooneysa xilligan in dib loo dhigo dacwaddaasi islamarkaana qaab bannaanka ka ah Maxkamadda lagu Xalliyo muranka Badda.

Kenya ayuu ku Eedeeyey inay Dooneyso inay Sameyso Dhul Boob waxaana uu Sheegay inaysan dooneyn midoobidda Shacabka Soomaaliyeed.

Prof.Heeroow ayaa intaa raaciyey hadalkiisa in hadda Kenya ay ka Faaideysaneyso qilaafka Siyaasadeed ee Dalka soomaaliya ka jira waxaana uu ugu baaqay shacabka iyo dowladda Soomaaliyaba inay midoobaan sib uu yiri ay xaqooda uga helan Kenya.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here