Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta Xukunno Xabsi ah ku riday Xubno la sheegay in lagu helay Fal la xiriirra isticmaalka iyo ka ganacsiga waxyaabaha Maank Dooriya oo ciidanka Dowladdu ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen Xaafadha Magaalada Jowhar.
Dadkan oo ay tiradoodu gaarayso ku dhawaad 3 ruux oo rag ah ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi ah.
Waxana Xukunka ku Dhawaaqay Xasan Cali Shuute Gudoomiyaha Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

