Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Dowladda Mareykanka ee Soomaliya duqeynta ka fuliya ay weerar ku qaadeen Saldhig dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay Ciidamada ay ku Tababaraan oo ku yaala deegaanka Sakow ee Gobola Jubada Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaliya Abdirahmaan Osmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Mareykanka oo ay la socdaan kuwa Kenya iyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Sakow ee Gobolka Jubada Dhexe,islamarkaana ahaa halka Al-shabaab ay ku Tababaraan Ciidamada ayaga u dagaalama.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dib ay kasoo sheegi doonaan shaqsiyaadka duqeyntaas lagu dilay iyo xilalka ay Al-shaabab ay ka hayeen intubada.

